Kursigii Ka Harsanaa Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Oo Maanta La Doortay

16″ February “2022” Dhuusamareeb

Guddiga doorashada Galmudug iyo Guddiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay qabteen doorashada kursiga ka harsanaa Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga Aqalka Sare ee harsanaa Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed.

Inta aan doorashada bilaaban ayaa waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed, kadibna waxaa Baarlamaanka Galmudug hab gacan taag ah ugu codeeyeen Musharax Farxaan Cali Maxamuud, waxaana ogol ugu codeeyey 80 xildhibaan oo ah dhamaan kooramka Baarlamaanku ku furmay.

Guddoomiayaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu sheegay inuu kursiga harsanaa ee Aqalka Sare uu ku guuleystay Farxaan Cali oo helay 80 Cod.

Leave a Reply