9- June-2023- Goal.com-
Madaxweynaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa door muhiim ah ka qaatay la wareegida Sheikh Jassim ee Manchester Utd Iyadoo ku lug lahaanshaha Al-Khelaifi ay walaac ku abuurtay kooxaha kale ee Premier League .
Mlkiilayaasha kale ee nadiyada Premier League ayaa tuhunsan haatan In United ay noqon karto kooxdii ugu dambeysay ee heerka sare ee Ingariiska ee hoos timaada lahaanshaha dowladeed ee Bariga Dhexe kadib soo bandhigista dalabkii shanaad Baanka Qatar inkstoo la wareegidda Qatariga ee Kooxda Man-United ay dhalin karto baaqyo ku saabsan baaritaan ka yimaada maamulka
MAXAA DHACAY?
Al-Khelaifi, oo ah guddoomiyaha sanduuqa hantida madax banaan ee Qatar ee iska leh PSG, ayaa kula taliyay Sheekh Jassim dalabka la wareegida, The Athletic ayaa werisay. Waxa xitaa la soo xidhiidhay qoyska Glazer, oo ah milkiilayaasha United, iyaga oo ka codsaday in uu isku dayo in uu ku qanciyo boqortooyada Qatar in uu kordhiyo dalabkiisa.
SAWIRKA Muuqda
Sheikh Jassim’s ayaa tartan laba faras ah kula jira bilyaneerka Ingiriiska Sir Jim Ratcliffe si uu ula wareego naadiga Premier League. Kooxda uu hogaamiyo Ratcliffe ayaa loo arkayay in ay yihiin kuwa ugu cad cad ee ku guuleysan kara tartanka, balse Sheekh Jassim ayaa la sheegay in uu soo bandhigay dalabkii shanaad ee ugu dambeeyay si uu uga faa’ideysto.
Milkiilayaasha Manchester United ayaa bil ka hor la hadlay gudoomiyaha Paris St-Germain Nasser Al-Khelaifi si ay ugu dadaalaan in Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani uu kordhiyo dalabka kooxda.
Dalabka Qatar wuxuu arki doonaa Sheikh Jassim inuu kooxda oo dhan ka iibsado Glazers iyo saamilayda kale ee laga tirada badan yahay, isaga oo ka qaadaya Suuqa saamiyada New York iyo lahaanshaha gaar ahaaneed.
Shuruudaha Ratcliffe, dhanka kale, waxay arki doonaan Glazers inay sii joogaan saamilayda laga tirada badan yahay in muddo ah ka hor inta uusan si buuxda u iibsan ka dibna u soo bandhigin dadka kale ee leh saamiga yar ee naadiga.