Laacibka Kubada Cagta Cristiano Ronaldo Oo Jabiyey Rikoor Cusub Oo Channelka Youtube-ka

21″ Aug”2024″ Daahfurka Channelka Youtube-ka cusub ee ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo ayaa Arbacadii jabiyay Record_ka adduunka ee ugu dhaqsaha badan ee YouTube_ka kaas oo gaaray in ka badan hal milyan oo macaamiil ah Inay iska diiwaan geliyaan 90-kii daqiiqo ee ugu horeysay

39-sano jirkaan shanta jeer ku guuleystay Abaalmarinta Ballon d’Or waxa uu dhowr saacadood ka dib markii uu dhajiyay muuqaalkiisii ​​ugu horreeyay, helay 1.69 milyan oo macaamiil ah oo ku biiray kanaalkiisa cusub ee digitalka ah.

Sugitaanku wuu dhammaaday. Kanaalkayga @YouTube waa kan ugu dambayntii halkan! SIUUUUB iyo igu soo biir safarkan cusub,” Ronaldo ayaa Arbacadii soo dhigay bartiisa bulshada.

Ronaldo ayaa 112.5 milyan oo taageerayaal ah waxa uu ku leeyahay madasha X, halka 170 milyan uu ku leeyahay Facebook-ga Iyo 636 milyan oo taageere oo Instagram-ka ah

Laacibkii hore ee Real Madrid iyo Manchester United ayaa isku diyaarinaya kulanka furitaanka kooxdiisu ee Saudi Pro League ee ay la ciyaarayaan Al-Raed Khamiista