8″ January “2023
Odoyaasha dhaqanka beelaha Dhulbahante iyo Fuqashini ayaa soo saaray 12 qodob oo ku aadan wixii ka dhacay magaalada laascaanood Dheeho.com
Odiyaashan ayaa go,aanadooda oo u badnaa kuwo ka dayrinaya ka sii mid ahaanshaha Somaliland waxay u cuskadeen sida ku cad qoraal laba bog ka kooban ooy soo saareen diidmada shacabka ee la xiriirta maamulka Somaliland oo ku fashilmay xaalada amni iyo bulsho ee gobolka sool mudadii ay gacanta ku hayeen
Odoyaasha dhaqanka beelaha dhulbahante iyo fuqashini ayaa 12-ka qodob ee ay soo saareen waxaa ku jira Somaliland in ay masuul ka tahay dhibaatooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhacay laascaanood iyo in Isaga baxaan maamulka Somaliland deegaanada SSC,maadama aysan ku joogin rabitaan shacab si ay u kala nabad galaan dadka dariska ah sida lagu yiri qodobada ay soo saareen Odayaasha dhulbahante iyo fuqashini iyaga oo ku baaqay shir looga tashayo aayaha deegaanadas ay isugu yimaadaan waxgaradka ,aqoonyanada iyo qurba joogta deeganaas
Qodobadaas ayaa ugu dambeeyntii lagu soo gabagabeeyay digniin ku aadan cidkasta oo isku dayda inay faragalin iyo xagal iyo daacin ku yeelato go,aamada dhaqanka beelaha dhulbante iyo fuqashini