4″ January ” 2021″ MUQDISHO”
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo ayaa Caawa kulan kula leh Madaxtooyada Villa Somalia Maadxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta –gareen.
Warar hoose oo aan helnay yaa sheegaya in kulanka Farmaajo iyo Lafta-gareen uu yahay mid xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan qodobbo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay si gaar ah uga wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka, oo dhawaan si toos ah u billaaban doona.
Lafta-gareen ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan in sababta uu u yimid ay ahayd kulanka uu Caawa la leeyahy madaxweyne maxamed cabdullahi maxamed Farmaajo.
Sidoo kale wararku waxa ay intaas ku darayaan in kulanka uu barri kusoo biiri doono Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaasi oo sida la sheegayo kulanka looga yeeray, waxaana wax yaabaha la isla falanqayn doono ugu weyn arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalku hadda marayo.