Lafta-Gareen oo Ku biiray maamulada diidan Muddo Isu Kordhinta Farmaajo Iyo Axmed Madoowe oo Soo Dhaweeyay Mowqifka Cusub Ee Maamulada

27″ April “2021” BAYDHABA

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow caddeysay mowqifkeeda ku aadan Go’aankii Galmudug, Hirshabeelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uga soo horjeesteen muddo kororsiga Farmaajo.

Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeysay Go’aankii ay muddo kordhinta ka qaateen Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo taageerada uu muujiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagoona caddeeyay inay taageersan yihiin Go’aanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka ayaa lagu sheegay inay ka go’an tahay in dalka la badbaadiyo, isla markaana la qabto doorasho Deg-deg ah oo heshiis lagu wada yahay, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaaso siyaasadeed.

Maamulka Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September laga gaaray doorashada, kaasi oo markii dambe la isku qabsaday fulintiisa.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u taageeray  Go’aankii Galmudug, Hirshabeelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uga soo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Koonfur Galbeed

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay Go’aankii galabta Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku diideen muddo kordhinta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigoodu idlaaday u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in maamulkooda uu dhowr jeer ku baaqayay in la qabto doorasho heshiis lagu wada yahay, si looga baaqsado khal-khal gelin amni iyo daganaansho la’aan siyaasadeed.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ku bogaadisay taageerada mowqifkiisa ku aadan Go’aankii ay muddo kororsiga Farmaajo ka qaateen Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.

Jubbaland ayaa Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ugu baaqday inay taageeraan kana qeyb qaatan samata bixinta dalka, iyagoona xusay inay aaminsan yihiin in heshiiska 17 Sep uu yahay waxa kaliyah ee laga amba qaadi karo doorashooyin loo dhan yahay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland

Leave a Reply