Lafta gareen “Waxa Aan maanta ka Hadleyno waa wax dan U Ah DFS”

DHUUSAMAREEB RADIODALSAN

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta Gareen oo ka hadlayay shirka Wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah oo ay ku tashanayaan.

Madaxweyne lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in shirka Maanta u furmay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ay uga tashanayaan sidii loo wadaagi lahaa marxalada maanta taal ee kala guurka ah iyo Arrimaha Doorashada dalka

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in Doorashada dalka ka dhaceysa loo baahan yahay inay noqoto mid ku dhacda waqtigii loogu tala-galay, isla markaana ay noqoto mid dadka Soomaaliyeed oo dhan ay heshiis ku yihiin sida madaxda dowladda sheegtay.

“Waxaan ka tashaneynaa Doorasho sidii loo wadaagi lahaa, marxalada maanta taal ee kala guurka ah sidii looga gudbi lahaa, waa wax mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku xiran, waa wax dowladda Federaalka ee aan xubnaha ka nahay dan u ah wax aan ka shaqeyneyno waa wixii nidaamka Federaalka inoo ogolaa” ayuun yiri Lafta-gareen.

Sidoo kale waxaa uu yiri isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed  “Doorasho dhici doonta, oo waqtigeeda ku dhici doonto, doorasho dadka soomaaliyeed oo dhan heshiis ku yihiin sida madaxda dowladda sheegtay, golaha wasiirada ku baaqeen Madaxweynaha ku taageeray, dooarshada aan rabno oo dhici doonto waa doorasho dadka soomaaliyeed heshiis ku yihiin” ayuu yiri Lafta-gareen

Leave a Reply