8″ Aug”2022″ Jigjiga
Madaxweyneyaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Jigjiga, iyaga oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka Al-shabaab.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Dowlad Deegaanka ayaa waxaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay iska xog wareysteen weeraradii u dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen deegaannada Xuduudka.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isku afgartay sidii loo bilaabi lahaa howlgalo Wadajir ah oo ka dhan ah A犀利士 l-shabaab, si loo xoojiyo iskaashiga maamul ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Itoobiya, isaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi.
XAQIIQADA LAFTA GAREEN WAXAA XOGTAN KA DIYAARISAY ADUUNKA TV