(CNN) Julio Ceasar Mora iyo xaaskiisa Waldramina Maclovia Quinteros waxay isqabeen 79 sano, xiriirkoodu ma,ahan waxa kaliya ee uu ku dheehan yahay cimri dherer koodu .
Isaga waa 110 jir waxayna noqoneysaa 105 bisha Oktoobar, taasoo ka dhigaysa inay yihiin lamaanaha ugu da’da weyn adduunka marka la isu geeyo 214 sano iyo 358 maalmood.
Hawlgabkan Britishka ah wuxuu dhashay 1908, wuxuu si rasmi ah u yahay ninka dunida ugu da’da weyn
Guinness World Records ayaa xaqiijisay inay sidoo kale ay yihiin labadan qof ee isqaba lamaanaha ugu da,ada weeyn ee adduunka ku nool.
Mora wuxuu dhashay Maarso 10, 1910, Quinteros waxay dhalatay Oktoobar 16, 1915.
Waxay kulmeen intii lagu jiray fasaxa iskuulka sababta oo ah walaasheed waxaa guursaday Nin ina,adeerkiis, ah sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Guinness World Records.
Kadib 7 sano oo saaxiibtinimo ah, waxay isguursadeen 7-dii Febaraayo, 1941. Waxay ahayd xaflad si qotodheer oo qarsoodi ah ay u leeyihiin aabayaashood iyo asxaabtooda ugu dhow maxaa yeelay qoysaskooda ma oggolaan guurka.
Mora iyo Quinteros waxay sheegeen in ehelladoodu aysan is fahmi jirin markii hore, laakiin ay awood u yeesheen inay isu keenaan sannadihii la soo dhaafay.
“Midnimada qoyska , ku dhisan qawaaniinta jacaylka, is-ixtiraamka, iyo daacaddnimada ku saleeysan qiyamka nolosha ayaa ah furayaasha wada noolaashaha caafimaad,,qabka “ah , taasina waxay Iman kartaa marka ay lamaanuhu rabaan waaritaanka qoyska ayay ku sheegay bayaankooda
Waxay sii wadeen shan carruur ah, oo dhammaantood ka qalin jebiyey kulliyad, iyo qoys weyn oo ka kooban 11 ayeeyo, 21 ayeeyo u tahay, iyo 9 ayeeyo u tahay. Wiilkooda ugu weynaa wuxuu dhintay markuu 58 jir ahaa, sida lagu sheegay bayaanka. Labaduba macallimiin bay ahaayeen ilaa ay hawl gab noqdeen.
Aura Cecilia, oo ka mid ah gabdhahooda, waxay sheegtay in waalidkeed ay ku raaxaystaan inay si wada jir ah u wada aadaan filimada iyo tiyaatarka, iyagoo beero falanaya iyo inay casho weyn la qaataan qoyskooda iyo asxaabtooda.
sidaa darteed waxay rajeynayaan inay dib ula midoobaan qoyskooda iyo kuwa ay jecel yihiin.