Maareeyaha Guud ee Shirkadda Batroolka Somalia, Ibraahim Cali Xuseen ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysigii u horeeyey ee Warbaahin Caalami ah tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay Toddobaadkii hore, wuxuuna xusay inay rajeynayaan inay ku dhawaaqaan Shirkadaha ku guuleystay Laysinka Shidaalka iyo Gaaska ee dalka Somalia bilowga sanadka soo socda ee 2020-ka.
“Waxaan rajeynaynaa in afarta bilood ee ugu horeyso sanadka soo socda la dhamaystiri doono Qorshaha Shirkadaha ku guuleysta lagu siin doono Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska ee dalka” ayuu yiri Maareeyaha Shirkadda Batroolka Somalia oo horey u ahaa La-taliyaha Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee DFS, C/dirashid Maxamed Axmed.
Waxa uu intaasi ku daray inay Tirada Xirmooyinka la soo bandhigay ee ahaa 15 Xirmo hoos loo dhigay, lagana dhigay 7 Xirmo, iyadoo Xog hore tilmaamtay in 15-ka Xirmo ee Ceelasha Shidaalka iyo Gaaska laga heli karo ku-dhawaad 30 Billion oo Fuusto.
Dhinaca kale, Maareeyaha Guud ee Shirkadda Batroolka Somalia, Ibraahim Cali Xuseen waxa uu Wareysigiisa ku sheegay kadib, markii uu dillaacay Coronavirus inuu hakad ku yimid Wada-xaajoodkii u socday DFS iyo Saamileyda Shirkadaha Shidaalka ee Shell iyo Exxon Mobil, si wax looga beddelo Heshiiskoodii hore, loogana dhigo Heshiis Wax-wadagis ah (PSA).
“Haddii uusan jiri lahayn Coronavirus, Heshiiska aan ku heshiino waxa uu ahaa sidii Qandaraaska dib loogu heli lahaa ka hor dhamaadka sanadkan ee December” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Shirkadda Batroolka Somalia.
Wuxuuna sii raaciyey inay Shirkadaha barista Shidaalka ee Shell iyo Exxon Mobil oo laga kala leeyahay dalalka Netherlands iyo Maraykanka ay leeyihiin Xuquuqda inay iibsadaan Xirmooyin Shidaal ka hor intaysan dhicin Dowladdii Kacaanka
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in labadaan shirkadood ay leeyihiin xuquuqda ah in ay iibsadeen xirmooyin shidaal, ka hor inta aysan dhicin dowladdii milatariga ee dalka sanadkii 1990-kii.
Dhinaca kale, Afhayeenka Shirkadda Shell oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu tilmaamay inay Wada-hadal wax-ku-ool ah la leeyihiin Madaxda Somalia oo ku aadan sidii Heshiisyadii hore loogu beddeli lahaa Heshiis lagu wadaagayo Wax-soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska.
Shirkadda kale ee Exxon Mobil oo ay REUTERS la xiriirtay cidna kama aysan hadlin arrintaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda ay DFS bilowga sanadka soo socda ku iclaamin doonaan Shirkadaha ku guuleystay Laysinka Shidaalka iyo Gaaska ee Somalia, waxay noqon doonta markii ugu horeysay ee ay DFS ku dhawaaqdo, iyadoo la filayo in Shidaalka laga helo Kharaj taageero ka geysan kara dib-dhiska dhaqaalaha dalkeenna