Messi Ayaa U Baahan In uu Seego Hal Xilli Ciyaareed Si uu Barcelona Ugu Riixo Bixitaankiisa

Nicol: ‘Absolutely zero chance’ Messi returns to Barcelona

ESPN FC’s Steve Nicol weighs in on the Lionel Messi saga for the first time

Barcelona ayaa rumeysan in wadada kaliya ee Lionel Messi uu si sharci ah kaga tagi karo bilaash ay tahay hadii uu go, aansado inuusan ciyaarin kubada cagta xilli ciyaareedka soo socda, ilo wareedyo ayaa u sheegay ESPN.

Fasiraadda Barca ee qodob aad looga dooday heshiiska Messi ayaa ah inuu ka tagi karo kooxda laakiin ay tahay inuu iska dhaafo mushaharkiisa hal xilli isla markaana uusan u saxiixi karin koox cusub ilaa xagaaga soo aadan, markaasoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo si kastaba ha ahaatee.

Messi, oo 33 jir ah, ayaa isku dayaya inuu ku dhaqmo qodob ka mid ah qandaraaskiisa uu saxiixay 2017 kaasoo u ogolaanaya inuu si bilaash ah ku baxo dhamaadka xilli ciyaareed kasta. Ilo wareedyo ka tirsan Barca ayaa u sheegay ESPN in waqtigii loogu talagalay in lagu dhaqaajiyo qodobka lagu saxiixayo koox kale uu dhacay bishii Juun.

Kooxda sharciga ee Messi ayaa wali ku doodaya inuu durba si kali kali ah u baabi’iyay qandaraaskiisa kooxda. Sababtaas darteed, weeraryahanku ma uusan soo xaadirin bilawga Axadda ka hor, maadaama ay wax u dhimi lahayd sheegashadaas. Barca ayaa ku soo laabatay tababarka xilli ciyaareedka Isniinta iyada oo aan la helin kabtanka kooxda.

Dhanka kale, warbixinno Isbuucaan ka soo baxayay Spain ayaa sheeganayay in qandaraaska lagu burburin karo 700 milyan ee Messi uusan sii shaqeyneyn, taasoo keentay jahwareer hor leh.

Barca ayaa ku adkeysaneysa inaysan taasi aheyn La Liga ayaana ogolaaday axadii iyagoo sheegay inay fursad u heleen qandaraaska. Qoraal kooban, horyaalku wuxuu ku sheegay in heshiiska Messi uu wali shaqeynayo isla markaana aysan fududeyn doonin inuu iska diiwaan geliyo koox kale iyadoo aan lacagtaas la bixin.

Sida laga soo xigtay dhowr khubaro sharci ah oo ay la tashatay ESPN, qodobka ku jira qandaraaska Messi waxaa loo fasiri karaa siyaabo kala duwan. Haddii isaga iyo naadiga ay is fahmi waayaan, kala duwanaanshaha fekerka weli wuxuu horseedi karaa dacwad taariikhi ah oo maxkamadeed.

Marka laga yimaado isqabqabsiga, ilo wareedyo ayaa u sheegay ESPN in dalabkii Barca ee Messi ee ahaa inuu qandaraaska u kordhiyo Camp Nou laba sano oo dheeri ah uu weli miiska saaran yahay.

Leave a Reply