Lionel Messi: Ma jiro dalab Saudi Arabia ah oo ku aadan weeraryahanka Paris St-Germain, ayuu yiri Guillem Balague

13″ January “2023” BBC

Lionel Messi: Ma jiro dalab Saudi Arabia ah oo ku aadan weeraryahanka Paris St-Germain, ayuu yiri Guillem Balague Dheeho.com

Weeraryahanka Paris St-Germain Lionel Messi ma uusan la xiriirin Al Hilal mana ka fiirsan doono inuu u dhaqaaqo Saudi Arabia, khabiirka kubada cagta Spain Guillem Balague ayaa yiri.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina, oo 35 jir ah, loo soo bandhigay 245 milyan oo ginni si uu ugu dhaqaaqo bariga dhexe.

Qandaraaska Messi wuxuu dhacayaa xagaaga laakiin, sida laga soo xigtay Balague, wuxuu ku dhow yahay inuu dhameystiro heshiiska uu ku sii joogo kooxda PSG.

“Ma jirin wax dalab ah oo ka yimid Al Hilal,” ayuu yiri Balague.

“PSG iyo Messi waxa ay qaban qaabinayaan kulan todobaadyada soo socda si loo dhamaystiro heshiiska isaga ku sii joogi doona Paris”.

Messi ayaa ka caawiyay Argentina inay ku guulaysato koobka aduunka markii ugu horaysay tan iyo 1986 kii bishii hore.

Waxa uu sheegay tartanka kadib in uu qorsheynayay in uu u sii ciyaaro dalkiisa, halka Balague uu sheegay in uu sidoo kale ka go’an tahay in uu wax badan oo Yurub ah uu ku guuleysto.

“Hadda, dhiirigelintiisu waa inuu sii joogo Yurub,” Balague ayaa ku daray.

“Wuxuu ugu cadcad yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or, weli wuxuu ku jiraa Champions League, wuxuu leeyahay bartilmaameedyo waaweyn ka dib markii uu ku guuleystay Koobka Adduunka ayuu raaciyay hadalkiisa khabiirka kubada cagta ee reer Spain Guillem Balague

Messi ayaa PSG kaga soo biiray Barcelona sanadkii 2021, wuxuuna u saftay 54 kulan kooxda Ligue 1, isagoo u dhaliyay 24 gool.

     By/ Abdulkadir Farah Dulyar

Leave a Reply