33-sano jirka u dhashay dalka Argentine ayaa rajeynaya inuu u wareego koox cusub oo uu ku bilowdo cutub cusub noloshiisa ka dib dhamaadka xun ee xilli ciyaareedkii hore taasoo soo gabagabeysay barbarihii 8-2 ee ay ka soo gaareen Bayern Munich wareega 8da ee Champions League. Barca ayaa ku guuldareysatay inay ku guuleysato koob markii ugu horeysay muddo ka badan toban sano intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-20.

Lionel Messi ayaa u sheegay Barcelona inuu doonayo inuu ka tago kooxda ka dib 20 sano ku dhawaad, isla markaana uu isha ku hayo inuu u dhaqaaqo Manchester City, sida uu sheegayo Marcelo Bechler oo ka tirsan Esporte Interativo. Messi ayaa la xiriiray macalinka kooxda Man City Pep Guardiola, kaasoo macalin ka soo noqday Barcelona intii u dhaxeysay 2008-2012, sida ay qortay The Sportic. Haddii Messi uu ku biiro City, qandaraaskiisa waxaa ka mid noqon kara qodobka MLS halkaasoo uu seddex sano ku joogi lahaa Manchester ka hor inta uusan ku biirin kooxda walaasheed ee New York City FC ee Major League Soccer, sida laga soo xigtay ESPN.

Naadiga ayaa si rasmi ah uhelay codsigii Messi Talaadadii. Barcelona ayaa ku adkeysaneysa in qandaraaskiisa kooxda uu ka tagayo ka hor xilli ciyaareedka 2020-21 uu dhici doono. Ramon Planes, oo ah agaasimaha farsamada ee kooxda cusub ayaa sheegay Arbacadii intii lagu gudajiray furitaanka saxiixa cusub ee 20 jirka Francisco Trincao in kooxdu ay weli rajo fiican ka leedahay sii wadashada Messi.
Waxaan kaliya ixtiraam weyn u haynaa Leo Messi. Barca iyo Leo waa sida guur, halkaasoo labadoodu ay midba midka kale siiyeen, farxad weynna u gelisay taageerayaasha, ”ayuu yiri Planes. Waxaan u maleynayaa in mustaqbalku uu fiicanyahay. Waxaan ahay qof rajo qabta. Waxaan ubaahan nahay ciyaartoy khibrad leh sida Leo Messi, iyo sidoo kale ciyaartoy mustaqbal kooxda ah. ka shaqeynta gudaha si loo qanciyo Leo. “
