Sunday” 23″ January ” 2022
Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ka dhacday doorashada Lix kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Doorashada kursiga koowaad ee tirsigiisu yahay HOP114 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana doorashada kursigaas kusoo baxay Cumar Ibraahim oo helay 80 Cod.
Doorashada kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP107 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo loogu coddeeyay gacan taag ah, kadib markii uu doorashada ka tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Xasan Cismaan Aadan.
Kursiga saddexaad ee tirsigiisu yahay HOP120 oo Maanta doorashadiisa ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay Codad gaaraya 77 Cod