Muhaajiriin ku dhintay markii ay la degtay doon ka timid Faransiiska oo ku socotay UK

12- August-2023- News Agencies”

Lix qof ayaa ku dhintay 10 rakaab ahna was la la’yahay, halka 55 qof la badbaadiyay ka dib markii ay ku degtay doon tahriibayaal ah oo ka timid Faransiiska Luna socotay UK

Maamulka dalkaasi ayaa sheegay in tobaneeyo qof la soo badbaadiyay kadib markii dooni ay la socdeen muhaajiriin ku sii jeeday dalka Britain ay ku degtay Channel-ka subaxnimadii Sabtida.

Lix qof ayaa dhimatay kadib markii doon ay la socdeen tahriibayaal ku sii jeeday dalka Britain ay ku degtay Channel-ka English-ka, sida ay sheegeen saraakiisha badda ee Faransiiska, iyadoo weli ay socoto baadigoobka lagu baadigoobayo dadka weli la la’yahay.

Afhayeen u hadlay maamulka xeebaha Faransiiska Premar ayaa Sabtidii sheegay in inta u dhaxaysa shan ilaa 10 rakaab ah la la’yahay, halka 55 la badbaadiyay.

Afar markab oo Faransiis ah iyo helikobter iyo laba markab oo British ah ayaa ka qaybqaatay dadaallo samatabixin ah oo ka dhacay magaalada Sangatte ee waqooyiga Faransiiska, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka badbaaday ay badbaadiyeen maraakiibta Britishka.

Duqa deegaanka Franck Dhersin ayaa sheegay in hawlgal samatabbixin ah oo aad u balaadhan la bilaabay abaaro 6 subaxnimo (04:00 GMT) iyada oo daraasiin doonyo tahriibayaal ahi is壯陽藥 ku mar isku dayeen in ay ka gudbaan.

“Dhowr ka mid ah doomaha ayaa la kulmay dhibaatooyin daran,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. ” Meel u dhow [magaalada xeebta ah] Sangatte waxay nasiib darro ka heleen meydad.”

Maamulka badaha ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan lix qof ay dhinteen, waxaana ay sheegeen in baadigoobka iyo samatabbixinta ay socdaan