23-Feb-2024
Ciyaaro jaan iyo jiibleh ayaa lagu qaabilayaa markay sidaas ciida faraha u dhigeenba caasimadda Soomaaliya – wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudiga kuwaas oo daahfuraya mashaariic cusub oo gargaar ah kuwaas oo dowladda sacuudigu ku xoojinayso xiriirkedda Soomaaliya.
Waloow heshiishkan yahay mid loogu deeqaayo buugaag carruuro iskuuleey ah iyo ceelal biyoodyo xoolahu ka cabaan, haddana qaar saraakiisha Soomaalida kamid ahi waxay qabaan in waxtarka Sacuudigu intaas ka bato, oo uu dhanka amaankana Soomaaliya ka caawiyo.
Soomaaliya waxaa ragaadiyay dagaalo ay kula jirto sannado badan koox islaam sheegad ah. “Soomaaliya waxay ku jirtaa geedi dowlad dhis ah” ayuu u sheegay AFP Cabdifataax Maxamed oo ah agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya intii lagu guda jiray booqashadii halka maalin ahayd.
“Waxaan ka dhiseynaa ciidamadeenna qalabka, si aan amnigeenna u sugno, waxaan dib u dhiseynaa dhaqaalaheena. Markaa arrintaa, (Sacuudigu) wax badan ayuu qaban karaa.”
Soomaaliya
Isla Bishan Febraayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta 犀利士 ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa warreysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodi doono gudaha Soomaaliya, dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristiisu.
Soomaaliya ayaa leh keyd shidaal oo badan walise dalka lagama soo saarin.
Arrimahaan gobolka kadhacaya iyo isku dayada ay wada dowladda Soomaaliya ayaana noqonaya kuwo Soomaaliya dhex dabaalsiinaya mowjaddo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ah.
Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin in la qodo illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo ku kala yaala Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo. Kudhawaaqista soo saarista Shidaalka Soomaaliya iyo loolanka siyaasadeed wadamadu ugu jiraan ka faa’iidaysiga kheyraadka dalka ee xilligaan ayaana ah arrimo mudan in la darso.
Heshiiska Difaac ee Turkiga
Kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland guud ahaanba waxaa muuqata siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ay xagal wareegtay go’aanno waaweyna dowladda Soomaaliya ay qaaday.
Soomaaliya waxay heshiis difaac la gashay dowladda Turkiga oo illaalin doonta xeebaha Soomaaliya muddo 10 sanno ah, ciidamada badda ee Turkiga ayaana gaafwareegi doona xeebaha Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababari doono ciidamo badeed oo Soomaaliya leedahay. Wasiirka qoraal uu bartiisa X soo dhigayna waxuu ku yidhi isagoo ka hadlaayay heshiishka “Ama buur ahoow, ama buur ku tiirsanoow”