M/Weye Xasan Shiikh oo furay shirweynaha sanadlaha ee Garsoorka Somalia ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo mideeynta cadaalada

11″ January “2023” Muqdisho”

Madaxweyne Xasan Shiikh oo furay shirweynaha sanadlaha ee Garsoorka Somalia ayaa ku dheeraaday baahida uu wadanku u qabo Garsoor mideeysan oo hirgeliya Cadaaladd xoojin karta kalsoonida shacabka  Dheeho.com

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed mideynta hannaanka shaqo ee garsoorka iyo hirgelinta caddaaladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gabagaboobay bishii la soo dhaafay lagu ansixiyey hannaanka Federaaleynta Garsoorka, dowladdana ay ka go’an tahay adkeynta madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan hay’adaha caddaaladda.

Garsoorku waa madax-bannaan yahay. Golaha Saree e Adeegga Garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo.”

Iddaacad Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu bahda caddaaladda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sugidda garsoor lagu kalsoonaan karo oo ay ka fog garab-siinta qofka dulmiga wada, isagoo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta , xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta Caddaaladda.

Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu Is dultaagay “Labo Waxyaabood oo uu sheegay in loo baahan yahay in aan laysku khaldin”

犀利士 dheeho.com/wp-content/uploads/2022/12/image-2.png” alt=”” class=”wp-image-78581″/>

Fadaraaleeynta macnaheeda mahan in qofba Meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas”. Ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in nabadda iyo caddaaladdu ay aas-aas u tahay nolasha iyo dowladdnimada waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan, codkooda iyo cududooda ay ku garab istaagaan xaqiijinta himiladooda ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Leave a Reply