M/Weynaha Somalia ayaa kulan la qaatay wakiiladda beesha caalamka ee Somalia ooy ku jiraan midowga yurub, africa iyo Qaramada midoobay

4″ January “2023” Muqdisho

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ugu yeeray beesha caalamka in Somalia ay ku gacan siiyaan, Ololaha Midnimada dowlada iyo shacabka ee ku aadan Iska-Xorreeynta Argagixisada Shabaab Dheeho.com

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid markii uu Madaxtooyada ku qaabilay danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan ayaa uga warbixiyey wakiilada beesha caalamka guulaha dadka soomaaliyeed iyo dowlada oo iskaashanaya ay ka garayaan maalinba maalinta ka danbeeysa dagaalka ka dhanka ah argagixisada shabaab

Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe , Hiiraan & Galguduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku harsan yihiin Al-shabaab, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey

Leave a Reply