Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo joojiyo colaada Laascaanood


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

7″ February “2023” Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka maalintii ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 38 qof, halka 132 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka guud ee Laascaanood Axmed Maxamed Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag uu xalkeedu yahay mid siyaasadeed, islamarkaana uu ku dhex jiro siyaasadda guud ee lagu raadinayo midnimada Soomaaliya.

“In maanta rabitaanka dadka qori lagu xaliyo suurta-gal ah ma ahan, rabitaanka dadka ha la ixtiraamo, qoryaha hala dhigo xabadda ha la joojiyo, ha la wada hadlo, miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shekeh.

Waxa uu intaas ku daray inuu diyaar u yahay in meel kasta oo nabaddaas looga hadlayo uu tago, oo uu la fariisto cid kasta oo nabaddaas ka wada hadleysa.

Waxa uu odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka ugu baaqay inay nabadda ka taliyaan, ayna la hadlaan inta dagaaalka ku lugta leh, oo ay wiilasha qoryaha wata ka qaadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin inay sii socoto daadashada dhiigga, haddii “aan lagu difaaceyn diinta iyo dowladnimada.”

Garaadada Laascaanood ayaa soo dhaweeyay khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mowqifka dawladda uu hoggaaminayo ee ku aadan qadiyada deegaanada SSC Dheeho.com

Madax dhaqameedyada ku shiray Laascaanood ayaa amaanay Madaxweyne Somalia Xasan shiikh Maxamuud oo hadalkiisa ku aadan xiisada ka taagan gobolka Sool ay ku jirtay” Inaaney Suurtagal ahayn rabitaanka dadka in qori lagu xaliyo” Madaxweynaha ayaa yiri” Rabitaanka dadka ha la ixtiraamo, qoryaha hala dhigo xabadda ha la joojiyo, ha la wada hadlo, miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado,”

Garaadada beelaha ku shiray xarunta gobolka Sool sidoo kale waxay muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin taageerada Go,aanadooda kadib cadeeynta Mowqifka dowlada fadaraalka Somalia ee ku aadan Miraha Shirkoodii Laascaanood

Wasiirka Arimaha gudaha Somalia Axmed Macalin Fiqi oo shir-jaraa,I’d ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay In dowlada Somalia ay soo dhaweyneeyso go,aamada rabitaanka dadka reer Laascaanood, kuwaas oo kala qaybsanaantoodii hore ay ka dhigtay deeganadooda kuwo ay ku muransan yihiin maamulada Somaliland iyo Putland

Leave a Reply