19″ Novembe犀利士 r “2022” HIIRAAN
Inta aan Madaxweyne ka ahay dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in Al-Shabaab laga cirib tiro dalka oo dhan. Ceelbuur, Xarardheere, Aadan Yabaal iyo degaannada kale waa la xorayn doonaa haddii Eebbe idmo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyaga oo muujiyay geesinnimo iyo isku-duubni, waxa uuna adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay deegaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan Khawaarijta