12″ January “2023” Muqdisho
Hadaan Is kaashano dowladda iyo Shacab Waan ku guuleeysan karnaa in dalkeena Aan ka cirib tirno Argagixisada Shabaab ayuu yiri Madaxweynaha Somalia oo la hadlay kumannaan dadweyne ah oo isugu yimid Bannaanbaxa loogu magac-daray Kacdoonka Shacabka Muqdisho Dheeho.com
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhinac iska dhigay in laga mashquuliyo Ololihiisa ka dhanka ah argagixsada shabaab, Iyadoo ay jireen isku-dayo tashuush siyaasadeed ku furaya Dowlada waqtiga kooban dhisan
Madaxweynaha ayaa kumanaan dadweyne reer muqdisho ah kala qaybgalay banaanbaxa kacdoonka muqdisho oo soo bandhigay dardargalin ku aadan la dagaalanka Argagixisada kaas oo mudada gaaban ee uu xaafiiska jooga arkay horumarka laga sameeyay xoreeynta magaalooyin iyo bulsho ay argagixisadu ku amartaag-leeyneeysay mudo dheer
Banaabaxa oo lagu qabtay garoonka kubada cagta Injineer Yariisoow ayuu Madaxweynuhu ku dheeraaday duruufaha Amni ee magaalada Muqdisho ,Isaga oo hadalqaaday dhagarta cadowga iyo dhibaatooyinkii gumaad wadareeydyada ahaa lagu laayay dad waxtar u ahaa bulshada
Qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye waxaanku weeynay arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalka ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh
Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin ayuu Madaxweynuhu ku guubaabiyay dadka muqdisho oo mudo dheer ka dib maanta sameeyay Isusoo bax si,ay muujiyaan taageerada ay u hayaan dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa waxa uu ku boorriyey In muujiyaan baraarugga iyo feejignaan ka dhan ah ficilada cadawtinimon ee kooxda Alshabaab iyo in garab istaaggaan halganka xoreynta dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta Al-shabaa, si looga hortago falalka amni darro oo ay geysanayaan bulshadeena