29″ November “2022
Dhibaatooyinka Bani,aadantinimo ee ka Jira Dhulka ay Argaggixisadu Haysato ayaa ka sii daraya iyadoo fursadaha amnidaro ee argagixisada u fududeeya weeraradooda goobaha rayidka uu yahay raad wali muujinaya xiriirkii aan qarsoodiga ahayn ee Isku milanka laamaha amniga & argagixsada 5 tii sano ee la soo dhaafay
Kiciyaha ,Abaabulaha Shucuurta Dadweynaha Madaxweyne Xasan shiikh maxamuud waxa uu aasaaska u muday Iska caabin aysan Alshabaab Arkin 5 tii Sano Farmaajo
Argagixsada shabaab ayaan arkin Iska cabin laga la horyimid 5 tii sano Farmaajo-Laakiin tan iyo markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Shiikh oo taageero ka helaya dadka deegaanka-Alshabaab waxay wajahayaan dagaal dhinacyo badan leh Inkastoo natiijadu ay tahay mid kooban
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Xoogaga shacab lagu dhibaateeyay deegaanadooda iyo Saaxiibo caalami ah ayaa guulo ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab bilihii la soo dhaafay.
Inkastoo dib loo riixay, argaggixsada oo dhul balaaran laga saaray haddana Al-Shabaab waxay weli awood u leedahay inay weerarro waaweyn ku qaaddo bartilmaameedyada rayidka si ay uga aargoosato shacabka .
Ciidamada Mareykanka ayaa dhowr jeer sanadkan duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano Al-Shabaab xoog ku heeystaa balse ma cadda in ay ku lug lahaayeen dagaalkii todobaadkan 100 argagixiso lagu dilay .
Bishii Oktoobar laba qarax oo loo adeegsaday baabuur ayaa lagu weeraray wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku dheggan isgoys suuq mashquul badan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 120 qof.
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa tan iyo markii gaari x壯陽藥 amuul ah uu ku qarxay isla isgoyska October 2017kii, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.
Somalia oo ku jirta laba sano oo qaleeyl ah waxay abaartu sii nugleeysay dadka duunyada iyadoo ugu kaalmooyinkii dadka la gaarsiin lahaa ay caqabad ku tahay argagixsada Alshabaab
Dadku u firxanaya meelaha maamulad dowladu gaarsiisan tahay iyadoo kooxda xiriirka la leh ururka al Qaacida ay dadka macluushu heeyso u isticmaaleen in ay ka dhigtaan gabaad