Midoowga Europe oo qaaday duullaankii Ugu Weeynaa ee Xoritul_Qowlka

Midowga Yurub ayaa uga digay shirkadaha teknolojiyadda ciqaab sharci ah haddii ay ka saari waayaan waxyaabaha lagu taageerayo Xamaas ee baraha bulshada lasoo galiyo.

Sharcigan Hadii uu dhaqan galo go’aankaan ma awoodi doontid inaad waxaad doonto ka qortid Xamaas

Wixii ka dambeeyay weeraradii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, baraha bulshada waxa ku soo kordhay xogo khaldan oo la xidhiidha iska horimaadyada, oo ay ku jiraan sawiro la been abuuray, muuqaalo aan sax ahyen , iyo kuwa rabshado wata.

Midowga Yurub ayaa uga digay Elon Musk oo ah mulkiilaha “X” ee horey loo oran jiray writter in aaladiisa loo adeegsado in lagu faafiyo macluumaad khaldan” oo la xidhiidha weerarrada

Madax fulinta ee Midowga Yurub, ayaa ugu baaqay dhammaan shirkadaha iyo baraha bulshada inay waajib ku tahay inay ka hortagaan faafitaanka wax kasta oo waxyeelo leh.

Afhayeenka guddiga fulinta Midwoga yurub oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yiri: “Waxyaabaha ku wareegaya baraha Bulsh壯陽藥 ada ee la xiriira Xamaas waxaa loo arkaa waxyaabo argagixiso, waa sharci-darro, waana in meesha laga saaraa si waafaqsan Sharciga Adeegyada Dijitalka ah iyo xeerarka xaddidaya waxyaabaha argagixisanimo ee internetka.”

Waxa uu intaa ku daray in Komishanku uu si buuxda u dhaqan gelin doono xeerkan, isla markaana ay la socon doonaan dhaqan gelintiisa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa Elon Musk kala hadlay in uu ka saaro bartiisa X muqaalada “rabshadaha iyo argagixisanimo ee ,lasoo galiyay”.

Elon Musk, mulkiilaha shirkada X waxa uu sheegay in shirkadiisu ay qaaday tallaabo ay ku jirto in ay meesha ka saartay akoono dhawaan la sameeyay oo xiriir la leh Xamaas, waxana uu Midowga Yurub ka codsaday in ay caddeeyaan xadgudubyada lagu eedeeyay.

Shirkadaha sidoo kale Midowga yurub uu ku baaqay in laga xiro xisaabadka la xariira Kooxda Xamaas waxaa ka mid ah shirkada Facebook oo balaayiin qof ay ku xariiraan.

Midowga Yurub ayaa soo saaray sharuuc adag oo lagu maamulayo baraha bulshada ay ku xariirto kuwaas oo yurub kaliya ay isticmaalan in ka badan 45 milyan.

Shirkadaha ku guuldaraysta in ay u hoggaansamaan Sharciga Adeegyada Dijitalka ah waxay horseedi kartaa in Midowga Yurub uu ku soo rogo ganaax dhan 6 boqolkiiba wadarta iibka caalamiga ah ee shirkadda, ama adeegoodo laga hakiyo guud ahan qaarada Yurub.

Sidoo kale waxaa suurtagal ah in laga mamnuuco shirkadaha ku soo celi celiya xadgudubka in laga mamnuuco guud ahaan Yurub .

Saameynta go’aankaan iyo Soomaalida

gabdho soomaaliyeed
Qoraalka sawirka,gabdho soomaaliyeed

Tan iyo markii uu biloowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, waxaa Bulshada Soomaaliyeed ay si weyn ugu hadlay baraha bulshada iyga oo soo dhigaya wararkii ugu danbeyay ee la xariir xaalada marinka Qasa.

Qaar badan oo ka mid ah dadka wax ku qora Barta Facebook ayaa sheegay in Akoonadii ay ku lahyeen Facebook laga xiray ama laga ganaaxay muddo.

Kuwa badan ayaa sidoo kale soo daabaca qoraalo iyo muuqaalo ay ku taageerayaan dadka reer Falastiin, iyaga oo ku baaqa ‘inay xoriyad helaan’.

Sidoo kale dadka soo galootiga ah ee ku nool wadamada iyo yurub oo ay kamid yihiin Soomaalida, iyo kuwa asal ahaan ka soo jeeda Yurub ayaa qayb ka noqday dibadbaxyo toos ah iyo kuwa internetka ah oo lagu taageerayay Falastiin.

Dadkaas oo dhan ayay u muuqataa inuu si uun u saameyn doono baaqaan ka soo baxay Midowga Yurub.

Muuqaalada ay iska soo duubaan kooxda Xamaas ayaa qaarkood waxaa baahiya warbaahinta caalamiga ah, kuwaas oo muujinaya weeraro fool ka fool ah oo ay la galaan ciidamada israa’iil.

Leave a Reply