M/Weyne Xasan” Soomaaliya waxay xudun u noqon kartaa dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo gaajada adduunka

20- November-2023

Madaxweyne Xasan” Soomaaliya waxay xudun u noqon kartaa dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo gaajada adduunka.

Isaga ooy gacan u shakaalan tahay ayuu Khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo musiibooyinka ee magaalada London” Madaxweynaha Somalia Prof Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay dalkiisa oo lagu xasuusto qaninimada soo saarista cunnooyinka uu haatan hormuud u noqon karo Iskudayada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo gabagabeeyo cunnayarida caalamka Iyadoo la adeegsanayo tamarta nadiifka ah iyo dalagyada beeraha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in ciidamada qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka oo Iskaashanaya ay xoreeyeen in ka badan 70-degmo iyo deegaanno qani ku ah dalagyada beeraha, kuwaasoo argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen wax soo saarkooda, kaddib markii ay diideen nolosha beeraleyda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak, ayaa u soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siiso mashaariicda gargaarka degdegga ah in loo weeciyo horumarin, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan faa’iidooyinka waara

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha ku xeeran nolosha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay dowladdu ku bixisay sidii wax looga qaban lahaa macluushii soo bilaabatay 2022-ka oo hadda dhibaatada xooggan ee dalka ka jirta ay sababeen roobabkii daadadka watay ee ku barakacay kumanaan qoys.

Sidaas ooy tahay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada Ingiriisk ay bilaabi doonto maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay inay u qorsheeyeen la犀利士 cag dhan boqol milyan oo dollar

Leave a Reply