7″ February “2023
Madaxwaynihii hore ee Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xaalada dagaal ee ka taagan Magaalada Laascaanood.oo galay maalintii labaad
Ex. Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in uu murugada la qaybsanayo shacabka Laacaanood.
“Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ku naf-waayey xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, aniga oo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa. Waxaan si gaar ah murugada tacsida ula wadaagay Madax-dhaqameedka Deegaanka oo aan khadka talefoonka kula hadlay.
Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee awalba la daalaadhacayey colaadaha, maanta ma xamili karaan colaad i犀利士 yo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dirirta” ayuu yidhi Farmaajo.
Magaalada Laascaanood ayaa maalintii labaad uu ka socdaa dagaal udhaxeeya ciidamada Somaliland iyo sidoo kale ciidamo ka soo jeeda beesha Dhulbahante ee SSC, inkasta oo xukuumada Muuse Biixi sheegtay in dagaalka Laascaanood ay ku jiraan ciidamada Puntland