Ma aqbali doono isku day kasta oo lagu sharciyeynayo LGBTQ’ – Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa ka digay

3″ Mar “2023 africanews

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa ku celiyay go’aanka soo jireenka ah ee dalka Bariga Afrika ee ah in aan “u ogolaan” xiriirka dadka isku jinsiga ah.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Kenya ay iska caabin doonto isku day kasta oo lagu soo rogayo dadkeeda, isaga oo u sababeeyay in loo baahan yahay in la ilaaliyo caadooyinkeeda iyo dhaqankeeda.

“Ma aqbali doono isku day kasta oo lagu sharciyeynayo falalka LGBTQ ee Kenya. Waa in qiyamkayaga la ixtiraamo, sinaba dib ugama noqoneyno,” ayuu ku soo qoray Twitter-ka.

Safaaradda Ruushka ee Kenya oo ku dul socota mowjadda lidka ku ah dhaqanka sun eeLGBT ayaa soo jiidatay taageero badan

Safaaradda Ruushka ee Kenya ayaa taageero u muujinaysay cadaadis ay madaxda maxalliga ah ku cambaareynayaan waxa ay ku eedeeyeen in uu yahay mid kor loogu qaadayo dhaqanka LGBT.

Waxay daba socotaa go’aankii maxkamadda sare ee usbuucii hore kaas oo u oggolaanaya bulshada LGBT inay iska diiwaangeliyaan kooxaha u ololeeya Kenya.

Taageerayaasha ayaa sheegay in garsoorayaasha ay xaqiijinayaan xaqa ay u leeyihiin in ay ku midoobaan sida ay siiyeen dhammaan muwaadiniinta, laakiin mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxweyne William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, ayaa ku eedeeyay garsoorayaasha inay kor u qaadayaan qiyamka “ka baxsan Afrika”.

Dad badan ayaa si qaldan u fasiray xukunka in uu yahay mid siinaya bulshada LGBT xoriyad ay ku guursadaan Kenya – taasoo safaaradda Ruushka ay aad u daneyneysay in ay ka faa’ideysato

Mid ka mid ah qoraallada ay safaaraddu soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu yiri: “Vladimir #Putin: “Ilaa iyo inta aan madaxweyne ka ahay, waxaan yeelan doonnaa” aabe ”iyo’ hooyo”.

Mid kale ayaa yidhi: “Reer Galbeedku wax badan bay u iman doonaan, waa in la ilaaliyo qiyamk犀利士 a dhaqanka, haddii kale bani-aadmigu waa halaag