Ma fududa sida ay Soomaaliya uga soo noqonayso saaxada caalamka ah” Faallo

21″ July “2022” “

W Q , Elmi Osman Farah Webmaster Dheeho

Ma fududa sida ay Soomaaliya uga soo noqonayso saaxada caalamka ah” Warbixinta oo faahfaahsan waxaad ka eegi kartaa

Soomaaliya waxay ku jirtay mugdi siyaasadeed muddo 5 sano ah intii uu xukunka hayay hogaankii looga adkaaday doorashadii uu necbaa ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Saaxiibada kaliya ee somalia ay lahayd ayaa ahaa Ethiopia, Eritera iyo Qatar iyadoo madaxweynaha cusub ee somalia xasan shiiq maxamuud oo furfuraya siyaasadii xirxirneeyd ee somalia uu bilaabay safaro uu galaabixinayo caalamka si uu Somalia Nool ugu soo celsho saaxada dunida Isaga oo ka duulaya Oraahdiisa dhaxalgalka ah ee Somali heshiis ah oo dunidana heshiis la ah

Fadhi uma yaal hogaan dhaxlay talada dal iyo dad meel walba laga soo ooday oo 5′ sano ku jiray go,doon siyaasadeed,mid bulsho iyo mid dhaqaale

Maxaa Somalia Galiyay Go,adoonka ?

Habkii doorasho ee dowaladii xasan shiiq oo looga sii daray ayuu ku guuldareeystay in dalka u dhaqaajiyo farmaajo oo dadka qaar ay ka rumeeysanaayeen inaanu dooneeyn habe yaratee in lagu soo hadalqaado wax doorasho u eg

sidaas ooy tahay waqti aan ka badneeyn 4 bilood markii ay ka harsan tahay mudo xileedkiisii farmaajo waxa uu bilaabay in uu yiraahdo waxaan qabanayaa Doorasho qof & cod ah hadaba qiyaas maaamul qaban waayay doorasho dadaban sida ay ugu sahlanaan karto Doorasho iyo Qof Cod ah waa taas sababta iska horkeentay farmaajo iyo xasan cali kheyre

Farmaajo iyo Xasan Cali khayre ayaa banaanka soo dhigay qilaaf ay in mudo ah qarinayeen oo ku saabsan qaabka doorasho ee ay tahay in dalku uu aado

Xasan cail khayre oo noqday rasilwasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee somalia ayay u cuntami weeysay in dalka la galiyo doorasho macmal ah oo sababi karta dagaaal keena in talada laysgu qabsado sida ka dhacay dalka Ethiopia

Dhinaca somalia ayay Suurtagal ka noqon wee犀利士 ysay meelmarinta Qorshaha uu jeexay Hogaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki Isaga oo Arintaas ku qanciyay Abiy iyo Farmaajo

Qabashada Dorasho Qof & Cod ah oo uu farmaajo halhays ka dhigtay mudooyinkaas ayaa kaaga filan baaxada heerka uu gaarsiisnaa sameeynta Ficil dusha sare ka shaabaha doorasho Dimoqoraadi ah gudahana ka ah talaabo xukun boob ah oo somalia kharka u saaray in dagaalo sokeeye oo dib loogu laabto

Xasuuqii baydhabo ,& Xarigii Muqtaar Rooboow oo uu Xoog u Adeegsady Abiy Ayaa ka dhigneeyd Is,xulufeeysi loogu gogol xaarayay xukuumado kalitails ah oo Is,ilaaliya in ay ka hana qaadaan Geeska Africa

Waxaa si taas loo hirgaliyo lagu bilaabay Isku darsiga ciidamo Ayuuto ah oo dowlada Qatar loogu soo daray in ay u isticmaasho ( BLACK WATER )sidii calooshood u shaqaystayaal ilaaliya danaha gobolka Geeska Africa ay Qatar ka leedahay iyadoo taas ku badalaneeysa Bixinta qarashka ciidamada

Somalia qorshahaas kuma waayin oo kaliya waqtiga kaga lumay raadinta hayaankii dowladniada Iyo dimoqoraadiyadeedii soo taxneeyd tan iyo shirkii carte ee waxa kaloo kaga maqanaa dhqlinyaro wali ku jiray dugsiyada sare oo si, Qiyaano ah loo askareeyay kuwaas oo walidiintoodu aysan kala joojin baroorta iyo oohinta tan iyo markii uu booqday madaxweyne xasan shiiq oo raadintadhalinyaradaas aawgeed u tagay dalka Eritrea islamarkaana warbixin qaboojisa siiyay waalidiintii dhalinyaradaas dhalay

Raysiwasaarihii hore ee somalia maxamed xuseen Rooble ayaa ugu danbeeyntii ku guuleeystay in dalka ka hirgaliyo doorasho sababatay isbadalka hogaanka dalka oo miiska keentay mar kale in somalia u soo bandhigto soo laabashada Madaxweyne xasan shiiq tiiyoo ay Barbara socotay khilaafyo aan kala go,alahayn oo farmaajo ku carqaladeeynayay doorashada

Sheekooyin badan ayaa udub dhaxaad u ahaa khilaafyadaas ooy ka mid tahay in Somali ay ka baxdo mugdiga siyaasadeed ee go,adoomiyay

Run,ahaantii arimahaas iyo kuwa kale oo noqoday dhibaato laga dhaxalay rajiimkii hore ee farmaajo waxay Madaxweyne Xasan ku riixaan harsi iyo hoyaad la,aan oo uu ku baadigoobayo soo celinta xiriiradii saaxiibtinimo ee somalia oo gaaray meeshii ugu xumeey tan iyo markii uu dal ku xornimadiisa qaatay 1960 kii

Leave a Reply