BBCSOMALI
Guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyinka ka hor Shirka Dhuusmareeb 3 ayaa la kulmay madaxweynahayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Balse kulamadan qayb kama ahayn xubnihii meteli lahaa Maamul goboleeddada Puntland iyo Jubbaland.
Sii-hayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shir guddoominayey kulamada ay guddidaasi yeesheen ayaa sheegay in wajiga saddexada ee wadahadalada ay qabsoomi doonaan waqtigii loogu talagalay.
Wasiirka oo BBC u waramay ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii uu shirkaasi waqtigiisii ugu qabsoomi lahaa.
“Ku talagalku waa , sida ayaan anagu farsama ahaan ku talajirnaa bisha 15 inuu shirka ka furmo magaalada Dhuusamareeb, ,” ayuu yiri Mr Jaamac.
Siihayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa intaa ku daray in ay wadaan qorsha ku aadan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada kala aragtida duwan,
“Waxaan wadnaa sidii aragtiyaha kala duwan la isugu keeni lahaa, sidii la isugu keeni lahaa doodaha siyaasadeed ee wadar-ogolka ah iyo kuwa dastuuriga ah ee jira sidii la isugu keeni lahaa, loona heli lahaa hanaan doorasho oo la wada ogol yahay, ,” ayuu intaa ku daray Mr Jaamac.
Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya
Wasiirka ayaa sidoo kale qiray in shirka guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyiinka ee Muqdisho ka dhacay ayasan ka qeyb galin xubnihii matalayay maamulada Jubbaland iyo Puntland.
” Waa run way naga maqan yihiin labadii xubnood ee Jubbaland iyo Puntland, balse waxaan ku raja weenahay inay Dhuusamareeb noogu iman doonaan, marka waa dadaal aan sii bilaawnay ,”, ayuu yiri wasiirka.
Shirkaas ayaa daba socda shirkii hore uga dhacay Dhuusamareeb oo ay ku kulmeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleeddada.
Wajiga saddexaad ee kulanka ayaa waxaa lagu ballamay in uu qabsoomo 15 bishan oo ay imika inaga xigto laba cisho.
Dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa shaki ka muujiyay qasoomidda wajiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb.
Waxyaabaha isbadalay ka dib shirkii Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah in uu meesha ka baxay rai’sul wasaare Xasan Cali Kheyr oo shirkaasi qeyb ka ahaa.
Shirkan ayaa si weyn indhaha loogu hayaa iyada oo loo arko, kulan jaangooyn doona halka ay u jihaysan doonto xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Soomaaliya.