DHUUSAMAREEB
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maaxmed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jeediyay xafladdii xiritaanka shirkii Dhuusamareeb, waxaana uu farmaajo ha hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin war-murtiyeedkii ay xalay soo saaren iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.
Farmaajo ayaa eed xooggan usoo jeediyay hoggaamiyaasha Jubbland iyo Puntland waxaana uu sheegay in diyaar u ahayn wada hadal iyo maslaxada dalka “Walalaheena Puntland iyo Jubbaland waxaa leeyahay madashan waxbaa ku leedihiin dad wanaagsan tihiin, waa nagu fogtihiin waa ka xunahay in aadan imaan oo aadan xaadir ku aheyn, waxa aaaminsanahay inaa dib noogu soo qeyb geli doontaan fikradaha aad qabtaan ma idinka maarano waxaa u baahnahay awoodiina dhinac walba haddii tahay masxkax xigmad iyo fakar waxaa idinka codsaneyna ummadda soomaaliyeed idinka codsaneysaa inaan isku nimaano” ayuu yiri Maadxweyne farmaajo
Waxaa sidoo kale madaxweyne farmaajo uu sheegay in ay jireen qaar ka mid ah madaxda maamul Goboledyada oo doonayay in ay luggooyaan, shirarkii hore eek a dhacay Dhuusamareeb ayuu sheegay in ay jireen Madaxda qaar oo caga-jiid uu ka muuqday.
“Madaxda maamullada qaar baa rabay in ay doorasho-dadban wax ka hooseeya oo ah in ay iyaga wax soo xulaan qaar baa lahaa maxaan madaxweyne ka ahay hadaanan ani wax xulayn” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo