24’Marvh-2024
Maanta 24 March 2024, waxaa caalamka laga xusaa Maalinta Qaaxada Adduunka, iyadoo hal ku dhigga sanadkanna yahay “Haa! Waan cirribtiri karnaa TB”.
Cudurka TB ama qaaxada weli waa mid ka mid ah xanuunnada ay dadka ugu badan u dhintaan caalamka, sidoo kalana waa caabuqa labaad ee loo dhinto caalamka.
Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn xoguhu u muujiyeen in dad badani la ildaran yihiin xanuunka qaaxada, xilli dalku lahayn awood caafimaad oo lagula tacaalo.
Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Maxamed Jacfar Saalax oo ah madaxa xafiiska Xakamaynta Qaaxada ee Soomaaliya, heerka cudurku wuxuu muddo toban sano ah u muuqdaa in wax sidaas u weyni aysan iska dhimin.
tahay waddamada dhibka badan uu cudurkan ku hayo, walow aan dadaallo lagu xakamaynayo samaynay haddana wali waa mid dhibaato ku haya dalka,” ayuu yiri Dr. Jacfar.
Dadka qaba xanuunka Qaaxada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in noocyada xanuunka ee ay qabaan ay u qaybsan tahay labo nooc.
“Ilaa siddeed iyo toban kun oo qof ayaa qaba qaaxada tan dawada qaadata halka ilaa sadex boqol oo qofna ay qabaan nooca TB ee dawada u adkaysata,” ayuu BBC-da u sheeg Dhakhtar Maxamed jacfar
Heerka qaaxada iyo gobollada Soomaaliya
Dhakhtar Maxamed Jacfar Salaax, madaxa xafiiska xakamaynta qaaxada ee Soomaliya ayaa BBC-da u sheegay in xogta ay hayaan muujinayo in tirada ugu badan ee dadka qaba cudurka ay ku nool yihiin gobolka Banaadir oo in ka badan afar kun oo qof ay qabaan cudurka.
Maamullada Hirshabeele, Puntland, Koonfur galbeed ayaa heer ahaan cudurka isaga mid ah iyadoo tiradu ay dhan tahay in ka badan labo kun oo qof oo xanuunka qaba sida uu sheegay.
Jubaland iyo Galmudug ayaa tiro ahaan ka yar marka la eego maamullada kale ee Soomaaliya
Soomaaliya oo ah dal xaalad saboolnima ah ku jira ayaa sababa ugu weyn ee dadkiisu ugu dhacdo cudurka qaaxadu waxaa uu xafiiska xakamaynta cudurku ku sheegay ‘Nafaqo darrada’ sida uu tilmaamay Dhakhtar Maxamed Jacfar oo xafiiska madax ka ah.
Dadka ugu badan ee xanuunku ku dhaca wuxuu sheegay inay yihiin dadka saboolka ah ee ku nool deegaannada Soomaliya.
Wuxuu intaa ku daray in dalka hadda uu leeyahay ilaa boqol iyo kow xarumood oo dowli ah iyo siddeed iyo toban si gaara loo leeyahay kuwaas oo bixiya adeegyada baarista iyo dawada.
“Dadka uu ku dhaco xanuunka Soomaaliya waxay helaan daweyn iyo baaritaan labada noocba waan la tacaalna, waana bilaa khidmad oo ah bilaash ayaan dadka adeegaas ugu qabanaa” ayuu BBC-da u sheegay Dhakhtar Maxamed Jacfar.
Xogta ay sii daayeen Xafiska xakamaynta xanuunka Qaaxada ee Soomaliya ayaa ku jaan go’an sanadkii 2023-kii.
Ururka Caafimaadk Adduunka ee WHO ayaa ku baaqaya in maalgashi lagu sameysto wax ka qabashada xanuunkan, iyo raacidda talooyinka ururka.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ku qiyaastay in 1.8 bilyan oo qofba ku dhawaad rubuc ka mid ah dadka adduunka ay qaadeen cudurka qaaxada ee Mycobacterium (M. tb), oo ah bakteeriyada keenta Qaaxada. Sanadkii la soo dhaafay, 10.6 milyan ayaa u bukooday TB halka 1.3 milyan ay u dhinteen.
Taariikhdu markii ay ahayd 24 March sanadkii 1882 ayaa loo asteeyay in la xuso maalintan, kadib markii la