Maalinta Wadnaha oo dunida laga xusay

30- September-2023

Dunidan aqoonta caafimaadka wadnuhu ay xadidan tahay, maamlinba maalinta la danbeysa waxaa ku soo badanaya dadka qaba dhibaatooyinka xanuunada Wadnaha

犀利士 >Maalinta wadnaha aduunka waa olole caalami ah iyo luuqado badan lagu tilmaamo iyadoo ujeedadeedu tahay in la jebiyo caqabadaha xakameeynaya shaqsiyaad badan wanaagooda caafimaad

Waa fursad uu qof walba ku joojiyo oo uu uga fiirsado sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalo ❤️ i.e. Emoji wadnaha Maadaama cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, oo ay ku jiraan cudurrada wadnaha iyo istaroogga, ay yihiin sababaha ugu horreeya ee dhimashada adduunka oo dhan.

Maalinta Wadnaha ee Adduunka waxay xasuusin u tahay qof kasta oo adduunka ah inuu daryeelo qalbigiisa, ololaha sanadkan wuxuu diiradda saarayaa tallaabada lagama maarmaanka ah ee lagu ogaanayo qalbiyadeenna marka hore.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa daah furay Munaasabadda Xuska Maalinta Wadnaha Adduunka oo sanad waliba 29 September laga xuso dunida oo dhan.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Maxamed Barre Xubno ka socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiir aqoon yahano iyo bahda Caafimaadka.

Munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigey sidii wax looga qaban lagaa xanuunada ku dhaca Wadnaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan sidii looga hortagi lahaa Cudurkan islamarkaana loo heli lahaa tallooyin Caafimaad oo ku saabsan ka hortagga Cudurada ku dhaca Wadnaha.

Madasha Xuska maalinta Wadnaha Adduunka waxaa lagu soo bandhigey fariimo, daraasado, iyo cilmi-baarisyo kala duwan oo ku saabsanaa sida loogu hortagi karo cudurada ku dhaca Wadnaha iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa wacyi-gelinta ka hortagga Wadna xanuunka.

Mas’uuliyiinta iyo Dhaqaatiirtii kasoo qeybgashey madasha Xuska maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha ayaa xusey in loo baahan yahay kor u qaadista heerka wacyineed ee xanuuka Wadnaha si loo badbaadiyo bulshadeena, maadaama wadamada bulshooyinkoodu ay la daalaa dhacayaan Xanuunka Wadnaha ay ka mid tahay Soomaaliya.

Dr Xamdi Maxamuud Cismaan maamulaha Barnaamijka Cuduradda aan la kala qaadin oo qaadatey kalmadda Soo dhawaynta Xuska maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha ayaa u mahad celisey Dhaqaatiirta iyo madaxdii kasoo qeybgashey munaasabadda waxayna si gaar ah ugu mahadcelisey Isbitaalka Redsea oo kaalin mug leh ka qaatey isku soo daba ridka munaasabadda Xuska maalinta Wadnaha Adduunka oo sanadkan si wayn looga xusey Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in muuhiim ay tahay maalgashiga dhanka Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan bulshadeena, waxa uuna sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqey in ay markasta wacyi ahaan u diyaarsanaadaan sidoo kalena ku kalsoonaadaan Dhaqaatiirtooda Soomaaliyeed oo marba marka ka dambeeysa samaynaya horumar ballaaran oo dhanka Caafimaadka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida wacyi gelinta ka hortagga cudurada ku dhaca wadnaha iyo xanuunada kale iyo helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya

Leave a Reply