Maalmo kadib Bayaankii Ankara ee Somalia iyo Itoobiya, Muqdisho waxay Adisababa ku eedeysay faragalin Milatari

Maalmo kadib Bayaankii Ankara ee Somalia iyo Itoobiya, Muqdisho waxay Adisababa ku eedeysay faragalin Milatari !!

Ixtiraamka iyo ka go’naanta midba midka kale madax-banaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirkiisa dhuleed,” waxa uu ahaa furaha isu soo dhaweeyay Somalia Iyo Itoobiya ee sababay heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweyne Erdoğan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa isgacan-qaaday kadib sanad ku dhamaaday khilaaf u dhaxeeyay dariska geeska Afrika

Hadal kulul ooy Somalia ku cambaareysay wax ay ku tilmaantay fal gardaro ah oo ay Ciidamada Itoobiya ku qaadeen Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo,ayaa muujinaya in Itoobiya aysan u hogaansamin hirgalinta heshiiskii Turkiga

Eedeyntan ayaa timid saacado yar kadib markii ay Soomaaliya shaacisay in wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Cumar ay maanta u socdaalayaan Addis Ababa, si ay u xoojiyaan ballan-qaadyadii lagu xusay baaqii Ankara.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay falkan xilliga uu dhacay, iyagoo xusay in ay ku soo beegantay dadaallo nabadeed oo socda. “Weerarkan gardarada ah wuxuu imaanayaa iyadoo Soomaaliya ay si firfircoon u raadinayso nabad-dhisidda Baaqa Ankara,” ayay tiri Soomaaliya, iyadoo intaas ku dartay ” wafdi heer sare ah oo Soomaali ah ayaa maanta loo diray Addis Ababa si ay u sii xoojiyaan dadaalladan.”

“Weerarkani waxa uu jebin cad ku yahay baaqii Ankara, mabaadi’da Midowga Afrika, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo xeerarka xiriirka derisnimo ee wanaagsan,” ayay tiri Soomaaliya oo sii hadlaysay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo kuwa Itoobiya.

War-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Soomaaliya ayaa looga digay in dalka uusan u dulqaadan doonin xad-gudubyada ka dhanka ah madax-banaanideeda. “Kama aamusi doonno xadgudubyada noocan oo kale ah ee ka dhanka ah madax-bannaanida geyiga Soomaaliya iyo xuquuqda dadkayaga.”

Ilaa iyo markii uu soo baxay warkan, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya

Inkastoo Soomaaliya ay muujineyso in ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Itoobiya, sida ku cad baaqii Ankara ee ay sameeyeen hoggaanka labada dal” hadana Itoobiya waxay wali sii wadaa faragalinteeda aan ilaalineeynin waxayaabihii lagu heshiiyay

Itoobiya Ma Ixtiraameysaa Midnimmada, Madax-bannaanida Iyo Wadajirka dhuleed,” ee Somalia oo ka mid ah qodobadii ku xusnaa bayaankii Ankara..?