Maamulka Degmada Baraawe Oo Ka Hadlay Qaraxii Khasaaraha Sababay Ee Dhacay

6″ September “2022” Radio Dalsan

Maamulka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Boosteejada laga raaco gaadiidka aada deegaanka Kuunya-barow.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda ee Baraawe, Ismaaciil Cabdullaahi Aaden oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in qaraxii ka dhacay Magaaladaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isagoo  xusay inuu ka dhacay Suuq ku yaalla Baraawe.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo uu tilmaamay in qaraxa lala beegsaday, waxaana uu sheegay Ismaaciil Cabdullaahi in ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo isugu jiray rag iyo haween ku sugnaa goobta.

Sidoo kale Guddoomiey ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Baraawe ayaa intaas kusii daray in laamaha ammaanka Maamulka ay wadaan howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxa khasaaraha dhaliyey ee halkaas dhacay.

Warar madax banaan oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxii ka dhacay Baraawe 犀利士 ay ku dhinteen laba ruux oo mid Askari uu yahay, halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee Magaaladaas Baraawe.

Leave a Reply