30″ September-2023- Muqdisho
Maamulka G/Banaadir oo ka faalla qaaday daryeelka iyo waxbarashada 173-gabdhood oo Agoon ah kadib markii guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) uu maanta booqday School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha ee degmada Xamar Weyne oo ah xarun lagu xanaaneeyo waxna lagu baro gabdho agoon ah. Dheeho News Every Day
Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray fasalada ay wax ku bartaan gabadhaha agoonta ah, goobta ay ku cunteeyaan iyo goobta ay seexdaan isaga oo warbixin kooban ka dhageestay maamulka xarunta daryeelka ummu Aisha, waxa uuna ku amaanay sida ay isugu xilqaameen taageerada iyo garab istaaga caruurta Agoonta
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in uu had iyo jeer garab taagan yahay barnaamij kaste oo lagu horumarinayo nolasha caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar, isaga oo si gaar ah u ka faala qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay mas’uuliyada daryeelka Gabdhaha agoonta ah ee xarunta ummu Mu’miniin Caaisha