Maamulka Garoonka muqdisho maxay ka yiraahdeen duulaanka lagu soo qaaday garoonka oo maanta hakiyay duulimaadyo dhowr ah

23″ March “2022” Muqdisho

Maariyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliye, Axmed Macalim Xasan ayaa sheegay in shaqada garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ay si caadi ah u socoto, isla markaasna diyaaradaha a壯陽藥 y duulayaan soona dagayaan.

Maareeyaha ayaa sheegay in ay jirto shaqaaqo barqadii maanta ka dhacday Xirada Xalane oo uu ku dhexyaal Garoonka, isla markaasna aysan saameyn ku yeelan howlaha Gegida Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dhinaca kale, Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarka ay laba dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen qeyb kamid ah Xirada Xalane, gaar ahaan Al-baabka Marina Geed.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay socdaan Baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen, isla markaasna aay dhowaan warbaahin la hadli doonaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalka ka socda xerada Xalane ee Muqdisho ayaa sheegaya in gabi ahaanba la hakiyay duulimaadyada gudaha iyo dibadda ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen xerada Xalane ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in khasaaro kala duwan uu ka dhashay dagaalka, islamarkaana haatan ay gubanayaan kaalin shidaal ku dhow halkii 5 sano ka hor lagu doortay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana la arkayaa ciidamo gurmad ah oo ka socda Booliska sida gaarka ah u tababaray ay gaareen xerada Xalane, islamarkaana ay ku biireen dagaalka ka socda Xerada Xalane ee Muqdisho.

Qeybaha ugu muhiimsan ee xerada Xalane ayaa hadda ah kuwo la xiray, waxaana socda dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kooxdii weerarka soo qaadday