16″ September “2022”
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay kala dhexgalaan Beelo walaalo ah oo ku dagaalamayey tuulooyin u dhaxeeya Degmooyinka Cadalle iyo Raga-ceelle.
Guddoomiye Axmed Mayre Makaraan (Faal) oo ku sugan goobta ka dhacay dagaalka ayaa wada dadaalada xalka loogu raadinayo dagaal beeleedyada kuso laalabtay degaanadaasi, isla markaana la heshiisiiyay beelaha dagaalamay.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle in loo baahanayahy sidii looga shaqeyn lahaa nabada, sidoo kalena joojin lahaa dagaal beeleed kusoo laab-laabtay Gobolka.
Guddoomiye Axmed Meyre Makaraan ayaa xusay in degaanadaan ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada ku nool dagaalna aysan xamilikarin
Mas’uulyiinta ayaana sidoo kale Odoyaasha dhaqanka labada dhinac ugu baaqay iney isugu yimaadaan Gogol nabadeed si xal looga gaaro dhibaatada ka dhalatay dagaalka.