Thursday ” 21″ October “2021” Kismaayo
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo壯陽藥 u diray Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Jubbaland laga soo doortay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Xildhibaannada maanta la doortay ee Jubbaland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee kala ah;
- Xasan Daahir Yarow
- Ibraahim Aw-gaab
- Laylo Nuur Maax
- Maryan Faarax Kaahiye
Waxaan sidoo kale ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha, Baarlamaanka Jubaland iyo guddiyada doorashooyinka in ay soo dhammeystireen doorashadii Aqalka Sare.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Axmed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee ay deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.
“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnaha Cusub ee ah kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa talaabo kale oo inagu dhiiri galinaysa inaan sii wadno shaqooyinka kale ee ina horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah”.ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Mudane Maxamed Axmed Islaam ayaa u mahadceliyay guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka, Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ee hirgaliyay doorashada muhiimka ah.
Maamulka Jubbaland oo Soo Gabagabeeyay Doorashada Senatarada Aqalka Sare
Labo kursi oo ka mid ah kuraasta maanta loo tartamayay ayaa waxaa ay gaar u ahaayeen dumar halka labada kalana ay ahaayeen rag.
Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali ayaa ku tartamay kursiga ugu horeyay, waxaana ku guuleystay Senator Xasan Daahir Yarow oo helay 59 Cod.
Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Ibraahim Awgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalinta Cabdi, waxaan kursiga Aqalka Sars kusoo baxay Ibraahim Awgaab Cismaan oo helay 57 Cod.
Kursiga Saddexaad ee doorashada Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay leyla Nuur Maax iyo Xareedo Maxamed, waxaana kursiga ku guuleysatay leylo Nuur Maax oo heshay 63 Cod halka Xareedo Maxamed oo la tartameysay ay heshay 9 Cod
Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleysatay Maryan Faarax Kadiye oo heshay 50 Cod.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa noqday maamulkii Afaraad ee soo geba-gabeeya doorashada Aqalka Sare, waxaa la rajeynayaa in dhawaan Maamulka Galmudug lagu soo doorto labada kursi ee uga harsan Aqalka