15″ Aug” 2021″ Baydhaba
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhamaystiray doorashada aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
- Senator Xasan Xuseen Xaaji
- Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade
- Senator Cali Shiikh Maxamuud Gacal
Tirada guud ee Sanatarada laga rabay dowlad goboleedkaasi oo ahaa 8 xubnood ayaa haatan la dhameystiray, waxaana sidaasi ay Koofur Galbeed ku noqonaysaa maamul goboleedkii labaad ee wada doortay dhamma壯陽藥 an xilldhibaanada golaha aqalka ku matali doono.
Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo helay Codad gaaraya ilaa 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.
Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Cali Sheekh Maxamuud Gacal & Cabduqaadir Cabdi Axmed , waxaana ku guuleystay Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay 68 cod halka musharaxa la tartamayay uu helay 22 cod.
Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa loo doortay kursigii 8aad ee Aqalka Sare isagoo helay 68 cod halka Musharixii la tartamey ee Cabdullahi Roobow Maxamed uu helay 18, waxaana halaabay laba cod.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay maamulka Puntland ooh al Maalim doortay dhamaan 11 kursi ay ku leeyihiin Aqalka Sare.
Wasiirka Gaashaandhiga oo ku guuleystey kursi Aqalka Sare
Xubnaha ku soo baxay aqalka Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xasan Xuseen Xaaji ayaa loo doortay kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare doorsho ka dhacday magaalada Baydhabo.
Xasan Xuseen Xaaji ayaa helay Codad gaaraya ilaa 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta dhameystiraya 8 kursi oo ay ku leeyihiin Xildhibaannada Aqalka Sare.