29″ Aug”2022″ BBC
Dagaal ayaa weli laga soo sheegayaa inuu ka socdo waqooyiga gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya oo xuduud la leh Tigray-kadib shan bilood oo ay socotay xabbad joojin bini’aadannimo oo hadda u muuqato inay burburtay.
Ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii qabsaday magaalada Kobo ka dib markii ay ciidammada dowladda u riixeen dhanka koonfureed ee u dhow xadka.
Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa goor sii horeysay sheegay in ay isaga baxayaan magaalada si ay uga fogaadaan khatarta ah in dad badan ay ku waxyeeloobaan.
Dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhow oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dagaalku uu weli ka socdo buuraha ku dhow dhow magaalada xaaladuna ay cakiran tahay.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo aan si cad u hadlin tan iyo markii ay dagaalladu soo cusboonaadeen, ayaa safar shaqo oo rasmi ah ugu ambabaxay dalka Algeria.
Dhanka kale, maamulka Woldia iyo Dessie- labada magaalo ee ugu waaweyn Amxaarada- ayaa soo rogay bandow habeenkii ah.
壯陽藥 – wp:paragraph –>Maamul goboleedyada kale ee Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa Oromada iyo Soomaalida ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan sida ay u garab taagan yihiin ciidamada dowladda iyo sidoo kale gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo ah goobaha ay ka soo cusboonaadeen iska horimaadyada.
Xilligii uu taagnaa dagaalkii ugu xumaa ee sannadkii hore ayaa maamul gobolleeydo kala duwan waxay ciidamo u direen furimaha hore ee dagaalka.
War saxaafadeed ay soo saartay Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa si kulul u cambaaraysay dagaalka soo cusboonaaday ee uu “dhiiga badan ku daatay” kaa soo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya.
Waxay sidoo kale war saxaafadeedka ku sheegeen in dagaalkan ka soo cusbonaaday gobolada Amxaarada iyo Canfarta, uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
“Marka laga soo tago xadgudubyada ka baxsan bini’aadannimada ee kooxda TPLF ay ku kacaysay 27-kii sano oo ay gacanta ku haysay talada dowladda dhexe ee dalka, waxay xanuun iyo dhibaato badan mar kale u geysteen dad badan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo lagu daabacay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.
“Kooxdan ayaa waxay dil, barakac iyo kufsi u geysatay haween badan, waxayna gayiga Soomaalida ka geysteen falal arxan darro ah oo aan la qiyaasi karin.”
“Haddaba xukuumada deegaanka Soomaalida iyo shacabka oo garowsaday in hadafka xun ee kooxdani ee lidka ku ah nabadgalyada guud iyo horumarka dalkeena, waxay sii xoojin doonaan taageerada ciidamada dowladda isla markaana ay burburinayaan shirqoollada ay maleegayaan xulafayoonka TPLF sida Al- Shabab,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadkeedka.
Dowlada deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale war-saxaafadeedka beesha caalamka kaga codsaday inay inay cadaadis ku saaraan TPLF inay joojiso dagaalka ayna ogolaadaan nabadda ay u fidisay dowladda Itoobiya.
BBC