22- Aug-2023
Maamulka Muusa Biixia ayaa ka horyimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xireyso TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, k kamid ah baraha bulshada Warbixin Dheeho.com
Somaliland ayaa ka hortimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday ee ay ku xidheyso qaar kamid ah baraha bulshada oo dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, kadib go’aan ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee xukuumadda Soomaaliya.
Saddexdaan bar ayaa dorraad la go’aamiyey in dalka laga mamnuuco, inkastoo aan la shaacin goorta uu dhaqan gelayo amarka lagu xirayo isticmaalka aaladahaas.