5″ July “2022” Hargeysa “
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddida dhexdhexaadinta khilaafka mucaaradka iyo xukuumada, ayaa ku heshiiyay in la sii daayo siyaasiyiinta mucaaradka ka xiran, iyo in wadahadalada dib loo bilaabo.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo kamid ah guddida dhexdhexaadinta, ayaa ugu horayntii madaxweynaha ka codsaday in uu sii daayo 12 siyaasi oo mucaaradka ka tirsan, kuwaasi oo lagu xiray banaanbixii 9 Juun, ay mucaaradku ka dhigeen犀利士 magaalada Hargaysa, isagoo madaxweynuhuna ka aqbalay.
Sii daynta siyaasiyiinta xiran ayaa loo mari doonaa sharciga, iyada oo xeer ilaalinta iyo booliisku ay ka noqon doonaan dacwadihii ay kusoo oogeen shakhsiyaadka xiran, kadibna maxkamada ayaa fasixi doonta, sida madaxtooyadu sheegtay.
Labada dhinac ayaa sidookale ku heshiiyay in madaxweynaha iyo madaxda axsaabta mucaaradka Somaliland, la isku keeno maalinta berri ah si dib loogu amba qaado wadahadaladii fashilmay ee u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada.