4″ Aug “2022”
Xiis犀利士 ad colaadeed oo u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ayaa ka taagan deegaan katirsan gobolka Sool oo aad ugu dhaw magaalada garoowe Dheeho.com
Somaaliland ayaa ciidamo soo dhoobtay meel u jirta caasimada putland ee garoowe wax ka yar 45 kilomitir sida ay sheegayaan Ilo wareedyo ku sugan gobolka sool iyadoo Maamulka Puntland oo afka furtay uu ku eedeeyay Somaliland in Ay duulaan ku soo Qaadeen deegaanka Boocame,
Somaliland ayaa horey gacanta ugu heeysay inta badan gobolka Sool markii dagaal dhaxmaray iyaga putland ay ku itaal roonaatay
Wasiirka Duulista Hawada Puntland Ilyaas Lugatoor Gebiley ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Somaliland oo watay 45 gaadiidka nooca dagaalka ay duulaan kusoo qaadeen Boocame, isla markaana Ciidankaas uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo Saraakiil Ciidan.
Wasiir Ilyaas Lugatoor oo Qoraal soo saaray ayuu xusay in Ciidanka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee deegaanka Magaalada Boocame ay ka hortegeen Ciidanka Somaliland ee halkaas tegay, ayna suurageli weysay in soo dhaweyn loo sameeyo.