Kenya: Booliska ayaa dhowr iyo labaatan qof oo Somali ah xabsiga dhigay,sababo la xiriira Isticmaalka shiishadda

Booliska Kenya ayaa dhowr iyo labaatan qof oo Somali ah xabsiga u taxaabay, iyadoo sidoo kale 117 xabbo oo haamaha shiishadda ah lagala wareegay dadkaas.

Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya, dhowr iyo labaatan qof ayaa xabsiga loo taxaabay,iyadoo sidoo kale 117 xabbo oo haamaha shiishadda ah lagala wareegay dadkaas.

Dadkaan ayaa laga soo qabtay xaruun ku taalla xafadda Kilimani kadib howlgal habeenimadii Jimcaha ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Qaranka u qaabilsan la dagaalanka Maandooriyaha ee magaceeda loo soo gaabiyo NACADA.

Maamulaha guud ee NACADA, Anthony Omerikwa ayaa hoggaaminayay howlgalka ka dhacay beerta lagu damaashaado ee Yejoka oo ku taal xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi, oo ah goob caan ah oo ay isugu yimaadaan dadka isticmaala Shiishada.

Kenya ayaa mamnuucday shiishada sanadkii 2017-kii hase-yeeshee waxaa weli meelaha qaar laga adeegsadaa shiishadda.

NACADA ayaa sheegtay in ay ballaarineyso howlgalkeeda ka hortagga maandooriyaha iyo waxyaabaha kale ee la xiriira.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya Aden Barre Duale ayaa Soo dhaweeyey talaabada ay saraakiisha booliiska Kenya ay qaadeen

Leave a Reply