Maamulka Siciid Deni oo gaashaanka ku dhuftay diidmadii maamulka Khaatumo ee ahaa inaaney ka qeybgaleyn doorashada Putland

25- December-2023

Maamulka Siciid Deni oo gaashaanka ku dhuftay diidmadii maamulka Khaatumo ee ahaa inaaney ka qeybgaleyn doorashada Putland

Putland waxay ku dhawaaqday inaaney jirin Kala bixid labada dhinac ah oo putland iyo Khaatumo ah Iyo In Garaadada dhaqanka SSC ay soo xuli doonaan, xildhibaanada uga qeybgalaya doorasha lagu balansan yahay 8_da January, iyadoo ay jirto go,aanka diidamada SSC ee ka qeybgalka doorashada putland Warbixin Dheeho News Every Day

Maamulka Siciid Deni oo gaashaanka ku dhuftay diidmadii maamulka Khaatumo ayaa sheegay In tirada Xildhibaannada doorashada aysan waxba iska beddeli doonin, ayna garaadada dhaqanka SSC laf,ahaantooda ay soo xuli doonaan, xildhibaanada uga qeybgalaya doorasha putland, sida uu sheegay Wasiirka Caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hannaanka kala bixista Puntland iyo SSC-Khaatumo uu bilaaban doono doorashada kadib, balse hadda la soo xuli doono xildhibaannadii SSC, iyada oo loo marayo habraacii saxiixa isimada ama cuqaasha degaanka.

“Rabitaanka dadka SSC iyo nidaamka dastuuriga ah ayaa la is waafajinaya. 17-ka xildhibaan waa la soo xulaya, garaadada laftooda soo xulaya ama cuqaasha soo xulaysa, habraacii loo mari jiray ayaana loo maraya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.

Isimada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa dhawaan soo saaray go’aanno culus oo ay ku shaaciyeen inay uga baxeen Puntland, maadaama ay dhisteen maamul gooni ah oo madax-bannaan.

Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakir壯陽藥 an, oo jahwareer badan uu ka taagan yahay waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada oo aan xal loo helin iyo go’aanka ay qaateen Odoyaasha Dhaqanka SSC.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arriman ay kusoo aadayaan xilli lagu sii dhawaanayo maalinta doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee 2024-ka.

Leave a Reply