Maamulka Somaliland ayaa Shuruudda ku xiray Shirka Aayo ka tashiga deegaanada SSC ee magaalada Laascaanood

23″ January 2023″ Laascaanood

Dad badan oo soo dhaweeynaya Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa isugu soobbaxay magaalada Laascaanood Laascaanood oo Ka hor inta aanu garaadku soo gaarin laga taagay meelo badan oo ka mid ah calanka Jamhuuriyada Soomaaliya Dheeho.com

Maamulka Somaliland ayaa Shuruudda ku xiray Shirka Aayo ka tashiga deegaanada SSC ee magaalada Laascaanood,oo diyaargaroowgiisu uu marayo meeshii ugu danbeeysay

Maaulka Somaliland ayaa uu muuqda in ay ka walaacsan yihiin wax ay u arkaan in uu yahay tallaabooyin halis ku ah gooni isu taagooda iyadoo maaalada laascaanood ay ku sii qulqulayaan wufuud kala duwan oo ka qaybgalaya shirka aao ka tashiga deegaanada SSC

Shalay subax waxa magaalada Laascaanood goobo badan oo ka mid ah laga qotomiyey Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya halka sidoo kale guryaha iyo dayrarka qaarkood la marinayay ranji muujinaya calanka Somaliweyn oo lagu lammaaniyay Calanka khaatum State

壯陽藥 _wrapper”>

Arintan ayay u arkaan wasiiro ka tirsan maamulka Muuse Biixi in ay tahay mid ay ku hawlan yihiin kooxo abaabulan oo Bulshada ku guubaabinaya kacdoon iyo arrimo liddi ku ah kala go,a Somali weeyn, iyadoo magaalada Laascaanood uu gaaray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah garaadada sida weyn uga so hor jeeda Somaliland

Dhinaca kale Shabkada Hadhwanaag ayaa daabacday in Wufuudda iska soo daba dhacaysa ee Laascaanood tagay mid walba uu la socdo kooxo hubaysan oo maleeshiyaad ah Iyadoo maamulka Gobolka iyo Guud ahaan waftiga Wasiirrada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ay ku tilmaameen kuwo xaaladda sii xumayn kara

Leave a Reply