Maamulka Somaliland Oo Dil Toogasha Ah ku xukumay Maxaabiis Ay Ku Qabatay Dagaalka Laascaanood

20″ March “2023

Somaliland ayaa sida ay sheegtay 9 maxbuus oo ay ku qabatay dagaalkii Laascaanood saartay maxkamad milateri, waxaana lagu soo eedeeyey qodobada 184, 185, 187aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ka hadlaya in ay Khiyaano-Qaran sameeyen, cadow la safteen kuna soo duuleen Qaranimada.

Maxkamadda ayaa 9-kan maxbuus dil toogasho ah ku xukuntay, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo rasmi ah, waxaana loo gudbiyey Xabsiga Mandheera.

Xukunka waxaa loo cuskaday Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsadaan dawlad gobaleedyada iyo Dawladda faderaalka Soomaaliya, kaas oo xili hore la qoray.

Si kastaba,Tallaabadan ay qaaday Somaliland oo uga sii dareysa xiisadda Laascaanood ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay waxgaradka SSC ay ku eedeeyaan Somaliland in ay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga duleedka magaalada Laascaanood

Leave a Reply