4″ March “2023
Shirka Qaramada Midoobay ee wadamada horumaray ( LDC ) waxaa lagu casuumay dalalka Saboolka ah Dheeho.com
Madaxweynaha Somalia🇸🇴 Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Doha ee dalka Qatar si uu uga qeybgalo shirka Qaramada Midoobay ee dalalka horumaray ee LDC oo laba jeer dib loo dhigay intii lagu guda jiray masiibadii Coronavirus
Madaxweynaha #Somalia ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan ooy ku jirto hiigsiga Soomaaliya ay ku dooneeyso inay gaaritaanka yoolalka horumarka waara
Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo shirka furay ayaa ku canaantay wadamada qaniga ah iyo kooxaha tamarta leh Inay ku canbaareeyay wadamada saboolka ah “ribada ugaarsiga” iyo curyaaminta qiimaha shidaalka.
Shirkadaha waaweyn ee shidaalka fosilku waxay helayaan macaash aad u badan, halka malaayiin qof oo ka mid ah dadyoowga ku nool dalalka Saboolka ah aysan cunto miiska saaran karin ayuu yiri Guterres oo sheegay in waddammada ugu saboolsan dunida ay ka dambeeyaan xitaa “kacaanka Digital-ka ah” iyadoo dagaalka Ukraine uu ku kordhay oo kaliya culeeyska qiimaha ay ku bixiyaan cuntada iyo shidaalka.
Qudbadii uu ka jeediyay maalinta furitaanka shirka wadamada ugu horumarsan ee Qaramada Midoobay (LDC) ee ka dhacaya Qatar Sabtidii, Guterres wuxuu sheegay in wadamada hodanka ah ay tahay inay bixiyaan $ 500bn sanadkii si ay u caawiyaan dadka kale ee “ku xayiran wareegyada xun xun” ee xannibaya dadaalkooda kor loogu qaadi laha Dhaqaalaha ,Horumarinta Caafimaadka Iyo Waxbarashada
Afgaanistaan iyo Myanmar oo ah labada waddan ee ugu saboolsan, ayaan goob joog ka ahayn kulanka ka dhacaya caasimadda Qatar ee Doha, sababtoo ah dowladahooda ma aqoonsana xubnaha Qaramada Midoobay iyadoo #Somalia uu ka qeybgalay Hogaamiyaha Jamhuuriyada Xasan Shiikh Maxamud oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagey dalka Qatar tan iyo markii dib loo soo doortay bishii Mey ee sanadii hore.