Mdasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War kasoo saartay soo magacaabis la’aanta Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo shirka Madaxda DFS iyo M/Goboleedyada uga socda Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa dhaliil loogu jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ku eedeyay inuu cadeysatay kutumasha Dastuurka KMG, uuna meesha uga saaray xukuumaddii shaqeyneysay, isla markaana sababay Jahwareer siyaasadeed iyo Khilaafaad dabo dheeraaday.
“Madashu waxay u aragtaa in Madaxweynuhu si sharci darro ah u magacaabay kusime Ra’isul- wasaare, taasoo aan shuruucda Dalka meelna kaga qornayn. Madashu waxay u aragtaa inay tahay masuuliyad darro iyo kali-talisnimo in Dalku xukuumad la’aan ahaado muddo 53 cisho ah, dowladnimadiina Madaxweynuhu gacantiisa kusoo aruuriyay isagoo uga gol leh inuu ku gaaro dan shakhsiyadeed” ayuu yiri Qoraalka Madasha Qaran
Sidoo kale Madasha ayaa Odayaasha dhaqanka, Culimada Siyaasiinta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay u istaagan badbaadinta dowladnimadda Soomaaliya.
Waxaa kaloo Madasha Xisbiyada Qaranka ku baaqday in Doorasho la wada ogol yahay ay dalka ka dhacdo, laguna qabto muddo xileedka hay’addaha dastuuriga ah, horeyna loogu doortay sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.