Madasha Xisbiyada Maxay Ka Yiraahdeen Natiijada Shirkii Dhuusamareeb

MUQDISHO- Radiodalsan

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa War kasoo saartay Najiitada kasoo baxday wejiga labaad ee Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ku yeeshen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dhamaan qodobada kasoo baxay Shirkii Madaxda, isla markaana ay ugu muhiisan yihiin in Doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay iyo in lagu heshiisyo nooca Doorashada.

Madasha Xisbiyada ayaa Madaxda ku adkeeysay inay si dhab ah u fuliyaan dhammaan qodobada lagu heshiiyay, iyagoo gudanaya waajibaadka saaran, waxayna Madashu ka digtay in laga cagajiido xaqiiqda iyo halista ka dhaqlan karta in heshiisyada la fulin waayo

Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada ayaa si sigaar ah u boggaadiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo dadka reer Galmudug googosha quruxda badan ee ay Soomlida u fidiyeen.

Leave a Reply