Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Oo Ugu yeeray Ururka Iskaashiga Islaamka in ay garab istaagaan shacabka soomaaliyeed

14″ November “2022

Guddoomiyaha hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka  Ururka iskaashiga Islaamka u qaabilsan Soomaaliya  H.E Amb: Mohamed Bamba Mohamed Boba

Kulankan oo ka dhacay xarunta ururka iskaashiga islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dowrka dalalka ku bahoobay ururka islaamka  ee la tacaalidda arimaha abaaraha

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa ugu horeyn safiiirka warbixin ka siiyay xaalada abaaraha iyo dadaalada socdo ee wax looga qabanayo, waxaana uu sidoo kale  kaga mahadceliyay Dowladaha Islaamka ee ku bahoobay ururka iskaashiga Islaamka garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda  maadama dalka uu wili ku jiro xaalad binaadanimo oo adag.

Dhankiisa Danjire Mohamed Bamba Mohamed Boba ayaa balan qaaday in  ay ka go’antahay sii wedidda garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply